top of page
Notebook and Pen

Ayuub books

Your Go-To Source

Ayuub e book wuxuu idin ka caawini doonaa Nolosha Fiican:  sida ka faaiideysiga khibradaha dadka kale, in aad go'aansato farxad ku noolaanta, iyo in laga fogaado dadka murugada faafiya,Diinta: in adkaarta la aqristo oo cadawga laga gaashaanto, in

Post: Welcome
Search

Sheekadii Marwo Aamina(qiso dhab ah)

  • moalimzahraa
  • Oct 22, 2024
  • 1 min read

Xaafadeena waxaa joogi jirtay haweeney duq ah,, oo kaligeed ah, waxay hanti ka heysatay ari yar iyo digaag,


Waxay aheyd islaan miskiin ah, dharkeedu duugoobay, indhana aan wax badan ka arkin, maalin ayaan wadada ku arkay ayada oo xinbaarsan digaagad, waxaan ku iri: habaryar maxaad sidataa? oo xagee ku socotaa? waxay ii sheegtay in ay u socoto suuqa si ay digaagadan u soo iibsato, oo raashin iyo dawo ugu soo gadato.


Waxay iisheegtay in maalin kasta ay aroortii toosto, Alleheeda xusto, kaalmana weydiisato, kadib quraac ka dhigato laba xabo rooti ah, ukun iyo shaah cadeysan; kadib waxay qaraab iyo calaf u raadisaa arigeeda iyo digaageeda, ayada oo raashinka iyo reereebka cidaha diriskeedaa ka soo gurata.qadada waxay cuntaa soor iyo caano, cashadana wixii qadada u haray.


Dareenkeyga ayey taabatay arinteedu, maalin ayaan u soo guray cows ka baxay darjiinkeeyga, jawaan ayaan uga soo buuxshay, waan u keenay, siday iigu duceysay allaha ii aqbalo, -arintaan faan igama aha- ee waa arin runtii nolosheyda wax ka bedeshay, qof kasta oo naga mid ah qof baa ka hooseeya, ee aynu isu naxariisano, si anagana Alle sw noogu naxariisto.


Hadii raashinku ka dhamaado, waxay iibgeysaa hal neef oo ariga ka mid ah, ama diiq, waxayna ku soo iibsataa wixi ay u baahneyd.


Mudo kabacdi, way jiratay, waxay awoodi weysay in ay kaligeed noolaato, oo qof xoolihii calaf uradineysa majirto , qof ayada raashin ukarineysa majirto , sidaas ayaa waxaa yimid dad qarabo la ah, weyna wadeen ayada iyo xooleheediba.



Gunaanudkii sheekada waa (noloshu wey sahlantahay cidi Allah sw u sahlo, weyna adagtahay ciduu ku adkeeyo).



 
 
 

Recent Posts

See All
Allow khaatima wanaagsan

الضمه العظمي " عندما تموت وبعد سكرات الموت الشديدة يأتي لك ملائكة لونهم أبيض ناصع البياض يأخذونك إلى السماء السابعة حتى تدفن.  عندما تدفن...

 
 
 

Comments


Post: Blog2_Post

Subscribe Form

Thanks for submitting!

061 2000282

©2021 by Ayuub books. Proudly created with Wix.com

bottom of page