Baro qorsheynta fiican
- moalimzahraa
- May 9, 2021
- 6 min read
Updated: Nov 7, 2021
SIDEE U QORSHEYSAA MUSTAQBALKAAGA?
Dadka qaar, haddii aysan badankooda aheyn, … ma yaqaanaan halka ay nolosha ku socdaan, iyo xitaa iyaga oo aan dan ka lahayn. Way jahwareersan yihiin , markay heli waayaan dariiqa mustaqbal barwaaqo. Waxay jeclaan lahaayeen inay sii wadaan safarkooda nolosha oo ay fuulaan jaranjarada guusha, laakiin ma awoodaan.
Waxay isku dayaan inay i su ekeysiiyaan ficilada dadka guuleysta, ayagoo akhriska iyo tababarka u maleeya inuu ku filan yahay, waxayna u maleynayaan inay ka gudbeen caqabadaha oo runtiina ay adag yihiin.
Filashooyinkooda ah inay guul gaaraan waa muddo-gaaban (usbuuc, tusaale ahaan), ka dibna waxay ku celiyaan isla kubaddii.
Waxay rabaan inay wax ka beddelaan xaaladdooda, lakin taa bedelkeeda waxay ku mashquulaan howlahooda shaqo maalin kasta, iyaga oo raadinaya waddo ay uga baxaan, laakiin ma garanayaan sida iyo meesha ay ka bilaabayaan.
Muhiim maaha inaad ogaato waxaad rabto ....
Laakiin garashada sida loo gaaro ayaa muhiim ah ...
Ma rabtaa inaad ka fiicnaato sidaad tahay hada?
Ma rabtaa inaad fuliso riyadaada iyo rajooyinkaaga?
Ma garaneysaa halka aad hada joogto, iyo halka aad rabto inaad aado?
Qorshaynta waxaa si kooban loogu qeexi karaa:
Nakhshadeynta mustaqbalka rajada leh iyo soo saarista tillaabooyin wax ku ool ah oo lagu gaaro.
Waxad ku gaarikartaa in aad ogtahay xaaladaada hada taagan, iyo waxaad jeceshahay inaad noqoto mustaqbalka, waxaadna isticmaashaa khibradaada, aqoontaada iyo xirfadahaaga inay ku siiso natiijooyin taxane ah oo guuleysta.
Waxay cabiraysaa -qorshuhu- fursadaada guusha , oo kugu wargalinaya inta ka hartay safarka, iyo xawaaraha loo baahan yahay iyo waqtiga si loo gaaro hadafka la doonayo.
Faa'iidooyinka qorshaynta:
· Waxay Go'aamisaa jihada.
· Waxay u taagantahay Isuduwidda dadaalladaada.
· Waxay bixisaa jaangooyooyin(nooca aad rabtid iyo cida aad ku daba jirto).
· Waxay caddaynaysaa xuduudaha wadada aad raaceyso.
· Hadafku Qofka ayuu diyaariyaa.
· Qorshaha waxa lagu Ogaadaa xaaladda.
· Waxay kaa caawisaa dhiirigalinta naftaada.
waxaas oo dhan waxay kordhisaa wax soo saarka.
Aragtiyada xun ee ku saabsan in aadan qorshe la haanin:
Rajo xad dhaaf ah oo ku saabsan xaaladda taagan.
In aadan awoodin in aad sawirto qorshe.
Iyada oo aan la ogaanin mudnaanta howluhu kala leeyihiin iyo sida ay u kala horreeyaan ama u kala muhiimsan yihiin.
Caqabadaha bulshada iyo deegaanka.
Cabsi aan la ogeyn.
Fariidnimo la’aan iyo dulqaad la’aan.
Astaanta qorshooyinka guuleysta:
1- Qofka oo raba in uu wax badan barto.
2- hal-abuur leh
3- Tartan ayuu kuu suura galiyaa qorshuhu.
4- Hawlgal (qof wax ku ool ah) ayuu kaa dhigaa.
5- Qof isku kalsoon baad noqonee.
6- adkeysi ayuu kuu kordhiyaa
7- xigmad ayuu raadiyaa
Talaabooyinka lagu abuurayo qorshe guuleysta
Waxaan rabnaa inaan ka jawaabno afar su'aalood oo muhiim ah:
1-Maxaan u noolahay ? Raalli ahaanshaha Eebbe iyo cibaadadiisa iyo ku guuleysiga Jannada ..
2-Maxaan qabtay noloshayda? Bal qiyaas geerida ... miyaad reebtay raad, miyaad qanacday, natiijooyin ma ka gaartay ...
3-Miyaad ku faraxsanahay Run iyo daacadnimo naftaada ....
4-daacad ma u tahay naftaada iyo dadka kale? Maaha dibedda, laakiin markaad kali tahay Alle ma ka cabsataa ...
Nidaamka dejinta qorshe mustaqbalkaaga shaqsiyeed wuxuu ka kooban yahay talaabooyinka aasaasiga ah ee soo socda:
1. Cilad-sheegista: anigu yaan ahay? Xagee joogaa hada
2. Goolka: Halkee ayaan doonayaa inaan noqdo?
3. Abaabul: Sideen ku tagaa halkaas?
4. Fulinta: Sideen ku ogaadaa inaan imid?
Cilad-sheegista: anigu yaan ahay? Xagee joogaa hada
· Xaqiiqda aqoonta iyo falanqaynta
· Ogow baahidaada aadanaha
· Qeexida meesha aad u socoto, mabaadi'da iyo qiyamka nolosha
· Ogow awoodahaaga .
Su'aasha koowaad:
1. Maxaad soo qabatay maxaadse gaartay?
2. Maxay yihiin mashaariicda ugu muhiimsan ee aad dhammaysay sannadihii u dambeeyay?
3. Maxay yihiin waxyaalaha aad ka heshay inaad qabato?
4. Maxay yihiin daqiiqadaha ugu farxadda badan?
5. Immisa lacag ah ayaad ku guuleysatay?
6. Waa maxay dhibcaha aad heshay?
7. Ma waxaad iibsatay waxyaabo fiican mise waxaad ka takhalustay waxyaabihii xumaa?
8. Ma sameysay wax gaar ah, caafimaad leh, isboorti, dhaqan ah, ama heer xiriir qoys iyo saaxiibbo?
Su'aasha labaad:
1. Maxay ahaayeen waxyaabihii i niyad jabiyey?
2. Maxaad rajeyneysay inaad sameyso oo aadan sameyn?
3. Riyooyin noocee ah oo aan la fulin iyo rajo aan la fulin?
4. Ma ballanqaaday inaad wax ka takhalusto ama aad wax qabato, oo ku fashilantay?
5. Miyaad wayday mid aad jeclayd?
6. Miyaad si dhab ah uga fikirtay guurka oo rumoobin miyaa? Xiriirkii qoyska ma sii xumaaday?
7. Miyaad ku guuleysatay GPA si aad uga hooseeya intii aad filaysay?
8. Weligaa shil ama wax xun miyaad gashay?
9. Maxaan u taxnaa guuldarooyinkaas?
“Kuwa caqliga leh, xigmad bay ku kasbadaan guuldarrada”
Su'aasha saddexaad:
maxaa cashar ah oo aad ka baratay guulaha iyo guul darrooyinka jira?
1. Maxay yihiin xilliyada farxadda leh?
2. Waa maxay sirta guushaydu?
3. Hababkee shaqeeya?
4. Maxaad kuu suurta galiyay inaad tan gaarto?
5. Maxaa ka caawin badnaa?
6. Muxuu yahay casharka laga bartay adiguna ma baratay? Taas maxaa daliil u ah?
7. Maxaa talo ah oo aan naftayda siin karaa si aanan khaladka ugu soo noqon?
8. Isbadal noocee ah ayaan ubaahanahay?
9. Sideen wax ugu qabtaa si ka duwan sidi hore?
10. Miyaad ku deg degtay inaad wajahdo dhibaatooyinka oo aad xalliso?
11. Ma u baahanahay aqoon dheeraad ah?
12. Ma u baahanahay karti iyo xirfado?
13. Dib u eeg liiska casharrada- aad ka soo baratay guuldarada - hadda si taxaddar leh u ogow
14. Muxuu isbadal sameyn doonaa ama faa iidooyin hadii aan barto casharkaan sanadka soo socda?
Su'aasha afraad:
Ø Sideen u xadeeyaa naftayda, sideense u joojiyaa cabashada iyo afkaarta khaldan?
Ø Hubso sida aad uga fikirto naftaada iyo yoolalkaaga inay awood kuu siineyso inaad guuleysato.
Ø Isbadalku wuxuu dhacaa markaad naftaada bartilmaameedsato, oo aysan ku saameyn waxa kugu xeeran agagaarahaaga(sida cabsida,aragtida dadka etc).
Ø Ogow sidaad naftaada xad ugu dejin lahayd, oo masuuliyad iska saar wixii kugu dhacay illaa iyo hadda.
Ø Fikirka khaldan ee ah inaan dhibbane nahay halkii aan islaxisaabtami lahayn waa caado aad noogu badan.
Ø Sideen xadka u sameeyaa .........
Ø Maxaa igu dhacay
Ø Tani waxay ku xasuusin kartaa guul darrooyinka. U isticmaal tan inaad ku xoojiso wacyigaaga xiriirka ka dhexeeya fikirkaaga iyo natiijooyinkaaga.
Ø Hada ka jawaab haa ama maya ..... , diyaar ma u ahay inaan xad u sameeyo naftayda?
Ø Waa kuwee qaybaha nolosha ee aanan ku guuleysan waxa aan doonayo?
Ø Cibaadada, caafimaadka, lacagta, xiriirka, ....... tusaale ahaan
Ø Maxaan ku iri naftayda si aan u sharaxo guuldaradan?
Ø Waan mashquulay, si kasta oo aan isugu dayo ma gaaro, tusaale ahaan
Ø Baro aragtidaada cusub, ka dhig mid adiga kugu habboon, kor u qaad awooddaada, iska ilaali inaad ku laabato aragtidaadii hore.
Su’aasha shanaad:
1. Maxay yihiin qiyamkeyga shaqsiyadeed?
2. Waa maxay danaha aan nolosha ka leeyahay?
3. Maxay yihiin mabaadi'da muhiimka ah ee aan ku noolahay?
4. Aragtidayda, waa maxay xooggeyga ugu waaweyn?
5. Sideen uga faa'iideystaa xooggayga igu jira mashaariicdayda?
6. Maxaan u maleynayaa inay yihiin daciifnimadayda ugu weyn?
7. Maxay yihiin sababaha daciifnimadaydu?
8. Ma jirtaa waddo wax looga qaban karo qodobbadaas, sida .. (daraasad, tababar, la qabsashada dabeecadaha qaar)?
9. Ma abuuri karaa jadwal aan wax kaga qabto daciifnimadayda?
10. Maxay yihiin sifooyinka aan ugu jeclahay dadka kale?
11. Waa kuwee dadka aan jeclahay?
12. Waa kuma qofka saameynta ugu badan ku yeeshay noloshayda?
13. Muxuu qofkani saamayn weyn ugu yeeshay noloshayda?
14. Haddii aan heli lahaa ilo aan xad lahayn, maxaan dooran lahaa inaan sameeyo?
15. Hadday lix bilood oo keliya noloshaydu sii jirto, maxaan ku dhammaystirayaa?
16. Maxay yihiin seddexda ama afarta waxyaalood ee noloshayda ugu muhiimsan?
17. Markaan fiiriyo shaqadeyda maalin kasta, maxay tahay shaqada ugu muhiimsan ee aan qabtay?
18. Maxay yihiin shaqooyinka maalinlaha ah ee aan ka helo inaan sameeyo?
19. Maxay yihiin ficilladaydu kuwas oo ugu saamaynta badan noloshayda?
20. Intee in le'eg ayaan ku qanacsanahay guulaha aan gaaray?
21. Waa maxay farqiga u dhexeeya waxa aan doonayo iyo waxa aan hadda ahay?
22. Maxay yihiin habraacyada aan dhigayo si aan u daweeyo farqigan?
Qiyamkeena shakhsiyadeed ayaa ah dhiirigelinta ugu xoogan ee isbedelka iyo gaaritaanka himilooyinka sidaa darted, isku day inaad xasuusato qiyamkaas(waxa aad kuula weyn) iyo mabaadi'da adiga kugu xukunta nolosha markaad dejineyso himilooyinkaaga, oo aad dejiso qorshahaaga.
Nolosha aadanaha waxaa jira seddex xarig ugu yaraan:
1- Nolosha shaqsiyeed (cibaado, caafimaad, cilmi nafsi
2- Xiriirka (qoyska, asxaabta, bulshada)
3-Shaqo iyo xirfad (dadaalada lagu sameeyay soo celinta dhaqaalaha)
Su'aasha toddobaad
1. Door noocee ah ayaan diirada saarayaa sanadka dambe?
2. Isku day inaad qeexdo doorka aad rabto inaad diirada saarto sanadka soo socda.
3. Ha iloobin inaad doorarka kale ugu habayso sida ay u kala mudan yihiin.
Hadafka : Halkee ayaan doonayaa inaan noqdo? Waxay u baahan tahay aqoonsi:
1. Mashruuca aan ka shaqeyn doono oo aan ku sii jeedo
2. Aragtidayda iyo fariintayda nolosha
3. himilooyinkeyga shaqsiyeed
HADAFKU WUXUU KAA CAAWINAYAA
1. Go'aaminta jihada.
2. Aragtida guud iyo qaabka lagu gaari karo.
3. In la ogaado guusha la gaaray.
Astaamaha aasaasiga ah ee yoolalka:
SMART waxaa loola jeedaa
waa inuu ahaadaa mid cayiman, cad, oo aan ka baxsaneyn rabitaanka iyo sharciga heshiisyada, qiyamka iyo diinta bulshada.
Xaqiiqda iyo ku kasbashada-awooda muddo cayiman gudahood.
Taxanaheeda macquulka ah ee mudnaanta, iyo dhowrista waqtiga iyo goobta.
In la hagaajiyo oo la jiheeyo horumarka, natiijooyinka iyo wax soo saarkuna u jiheystaan.
In lagu guuleysto soo celinta ugu badan ee suurtagalka ah, iyo soo jeedinta ka faa'iideysiga ugu wanaagsan ee suurtagalka ah ee la heli karo.
Waxaa ka mid ah qaddar cayiman oo awoodo adag leh, oo leh dabacsanaan ku filan si looga dhigo mid isbeddelaysa iyo horumarinaysa jihada loo baahan yahay.
Sideen kor ugu qaadaa heerka iimaanka iyo cibaadada?
Sideen ku horumarin karaa heerkayga dhaqan iyo akhlaaq?
Buugaagtee ayaan rabaa inaan akhriyo .. (50% qaybtayda takhasuskeyga iyo 50% meelaha muhiimka ah ee aan xiiseeyo)?
shaqadan waxaa iska leh:
Cumar Cabdullaahi Al-suweylim
aniguna waan tarjumay.
Nasiib wanaagsan!


Comments