faaiidada salaada
- moalimzahraa
- Sep 21, 2021
- 1 min read
1- Salaada ruuxda ayaa quudata oo qofka sida jirku ugu baahanyahay cunto ayey ruuxduna ugu baahantahay xuska Alle, salaaduna waa xuska ugu muhiimsan iyo xiriirka ka dhexeeya qofka iyo Rabigiis, Salaadu sidookale waa jimicsi midka ugu fiican oo jirka ayey dhistaa, qofki shanta salaadood masjidka aada ugu yaraan haday soco 5 daqiiqo, soo laabashadan 5 kale waa 10 daqiiqo halkii salaad (5*10) =50 daqiiqo oo socod ah! Sidaa darted, uma baahnid jimicsi kale.
2- Qaababka qofka dukanaya uu ku siganyahay sida istaaga rukuuca sujuuda waxay culumadu tiri waxay ku saacidee qofka dhiigu in uu sida ugu fiican ugu wareego unugyada oo dhan.
3- Weysada iyo faa’iidooyinkeeda caafimaad waa mid si baraatika ah loo wada arkay, khaasatan biryahaan oo dunida uu soo weeraray cudur faraba’an dunida ku haya oo ka dhasha nadaafad darada, rasuulku naxariis iyo nabad gelyo korkiisa Alle ha yeelee wuxuu yiri: (kawarama hadii midkiin gurigiisa hortiisa uu wibi maraayo, kaas oo maalintii 5 jeer uu ku qabeysanaayo, jirkiisa wax wasakh ah ma ku hareysaa? Saxaabadii waxay dheheen maya, rasuulku wuxuu yiri: waxaa la mid ah shanta salaadood oo qofka dinbigiisa ayaa lagu dhaqaa.
4- Salaadu nidaamka ayey bartaa qofkeeda iyo in uu waqtigiisa ka faa’ iideysto.
5- Waa daawada wewelka iyo murugada, waxay cusleys ka dhigtaa miisaanka qiyaamaha.
Comentários