horumarinta xiriiradeena bulsho la dhaqanka
- moalimzahraa
- Sep 5, 2022
- 1 min read
qofkasta oo naga mid ah ayada ayaa istaqaana, waana in ay isbarataa si fiican, xataa waalidka oo ah cida dadka noogu taqaana wax badan ayaa mugdi uga jiri karaa, isweydii qof nuucee baatahay? maxaad aaminsantahay? waa qofma qofka kuugu saameyn badan noloshaadii? waa maxay afkaartaadu? in aad saan ufikirto maxaa sababay? maxaad qiimeysaa nolosha? mabaadi iyo tiirar lama taabtaan ah ma leedahay?
maxaad jeceshahay? maxaad necebtahay? maxaad ku fiicantahay? maxaad ku liidataa?
halkee ka duushaa markaad dadka la dhaqmeyso? ma cabsi? ma raaliyeyn saa id ah? ma kalsooni iyo rajo? sideed dadka ula dhaqantaa? maxaad dadka kafileysaa?
xuduud caafimaad leh ma leedahay? qofkaan kugu tixgalin rabitaankaaga iyo xuduudaada tilaabo ma kaqaadaa? rabitaankaaga iyo dareenkaaga run maka sheegtaa si xur ah? ma tiraa maya, markaad doonto. sideed dadka ula xiriirtaa (passive-assertive-aggressive)?.
ogow mashaakilad kaaga adigaa masuul ka ah, oo in aad xaliso lagaa rabaa.
qof bini;aadam ah oo aad isku haleyneyso majiro. waxaadan qabsana ma fileysid.
wax baro, shaqeyso,
dadka hadaba ordin, ee wax ay jecelyihiin hareeraha dhigo. ayagaa kuu imaanaya.
in aad naftaada baratid oo rabitaankeeda ka duushid oo daryeeshid hunguriwaynan maaha iyo lixa jeclo ee waa muhiim, si aad nolol farxad leh ugu noolaato oo nimcada alla u dareento ugana mahdiso.
Alle subxaanuhu watacaala barashadiisa, ka cabsigiisa ayaa lagu kor noqdaa.
xaasid hanoqon, dadka waxi aad dheertahay uga faaiideey.
ilmahaagii iyo walaalahaa oo kale ka sooqaad.
Commenti