top of page
Notebook and Pen

Ayuub books

Your Go-To Source

Ayuub e book wuxuu idin ka caawini doonaa Nolosha Fiican:  sida ka faaiideysiga khibradaha dadka kale, in aad go'aansato farxad ku noolaanta, iyo in laga fogaado dadka murugada faafiya,Diinta: in adkaarta la aqristo oo cadawga laga gaashaanto, in

Post: Welcome
Search

Maareynta Xuduudahaaga

  • moalimzahraa
  • Oct 12, 2022
  • 6 min read

Hubinta in dadka kale ay ixtiraamaan baahiyahaaga!


Deji oo xakamee xuduudahaaga shaqsiyeed iyo kuwa xirfadeedba.


Oodaha wanaagsani deris wanaag bay sameeyaan.– Maahmaah hore

Maqaalkani wuxuu kaa caawin doonaa inaad qiimeyso, xoojiso oo aad ilaaliso xuduudahaaga shakhsi ahaaneed, si ay nolosha kuugu fududaato oo aad u hesho deganaansho badan adiga iyo inta kugu hareereeysanba.


Gidaarada muuqda iyo kuwa aan muuqan balse aad adigu sameysatay ayaa kuu oggolaanaya inaad ilaaliso waxa adiga kugu habboon. Waxay sidoo kale kuu oggolaanayaan inaad xakameyso cidda iyo waxa soo galaya booskaaga.

Soohdimaheena gaarka ah, waxay qabtaan shaqo la mid ah soohdimaheena goofkeena ama gurigeena.Waxay dejiyaan xadka naga soocaya dadka kale - maahan inay meesha ka saaraan iskaashiga, laakiin waa si ay u ilaaliyaan waxa na khuseeya, iyo in la xakameeyo cidda soo galaysa booskeena nafsiyeed, ama jireed.

Xuduuduhu waxay kaloo kobciyaan bay'ad shaqo oo waxtar leh. qiyamka kala duwan ee shaqalaha, baahiyaha iyo caqiidooyinka ay aaminsan yihiin mararka qaarkood waxay keenaan isku dhac, ciil iyo walbahaar, sidaas darteed xuduudaha si cad loo qeexay ayaa kaa caawin kara ka hortagga falcelinta xun.

Laakiin, haddii xudduudaha shakhsi ahaaneed ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah isfahanka dadka dhexdooda, maxay in badan oo naga mid ah dhib ugu tahay dhisidooda?

Maxay Xuduuduhu Muhiim U Yihiin?

Xuduuduhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah ilaalinta cilaaqaadka si xushmad leh . Waxay kaa caawinayaan inaad daryeesho naftaada iyo kuwa kugu xeeran.

Dadka dhigay xuduudo shaqsiyadeed xoogan waxay awood u siiyaan naftooda inay doortaan waxay rabaan oo ay xaq u leeyihiin. Waxay leeyihiin dareen adag oo badbaado nafsi ah, way u fududahay inay nastaan, guud ahaanna way ka faraxsan yihiin oo ka caafimaad badanyihiin dadka aan laheyn xuduud.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa ku dhibtoonaya samaynta xuduudaha. Waxaa dib u dhigay isku-kalsooni daro, cabsida ay kaqabaan in ay dadka ciriiriyaan, ama cabsida ay kaqabaan colaadaha.

Waxaa laga yaabaa inay si fudud u aqbalaan faragelinta iyo carqaladaynta , ama ay hoos u dhigaan dareenkooda shakhsi ahaaneed ayaga oo ilaalinaya" wanaaga kooxda" .

Waa wax dabiici ah in qof waliba rabo in uu noqdo mid karti leh, oo la isku halayn karo "extra miler", laakiin dadka ku guuldareysta inay dejiyaan xuduudaha waxay halis u yihiin "gubashada deeqsinimada," oo ah in kuwa kale ay kaaga faa'iideystaan si aan cadaalad ahayn. Tani waxay dadka ku keeni kartaa inay dareemaan daal, ciil iyo dhib.

Sababahan dartood, samaynta xuduud shakhsiyeed oo adag ma aha anaaninimo ama kibir. Si fudud waa qayb lagama maarmaan ah oo lagula dhaqmo naftaada - iyo kuwa kugu xeeran – si naxariis iyo tixgelin leh.

Fiiro gaar ah:

Xitaa dadka leh xudduudaha shakhsi ahaaneed ee xooggan waxay kala kulmi karaan dabeecad xun kuwa kale.

Sida loo Maareeyo Xuduudahaaga

Waxaa jira afar marxaladood oo waaweyn oo lagu maareynayo xuduudahaaga.


Marxaladda 1: Falanqaynta Xuduudahaaga

Is weydii su'aalahan:

• Marmar ma ka shakisan tahay inaad xaq u leedahay in baahiyahaaga la daboolo, ama aad sameyso dadaal yar si aad u buuxiso?

• Miyaad iska ilaalisaa inaad naftaada u hadasho, oo ma "waxkasta way sii socdaan" adoon ka falcelinayn xaaladaha xun?

· Ma waxaad u janjeertaa inaad iska ilaaliso isku dhac? Ma u ogolaataa dadka kale inay helaan dariiqooda ama u ogolaataa inay go'aano kuu gaaraan?

• Mararka qaarkood ma ogolaataa inaad samayso waxyaalo aanad doonayn inaad samayso - oo hadhow aad ka shallayso?

Haddii aad inta badan ku jawaabtay "haa," markaas fursada ayaa ah in dadku kuu arkaan "taabasho jilicsan" oo ay ku maareeyaan inay sameeyaan waxay rabaan, gorgortan la'aan. Waa markii, aad bilaabi lahayd xoojinta xuduudahaaga!




Marxaladda 2: Fahamka Baahiyahaaga

Waxaa laga yaabaa inaad aaminsan tahay in si aad dadka kale ula dhaqanto, ama aad u qabato shaqada laguu siiyay inaad qabato, waxaad u baahan tahay inaad bixiso wax ka badan inta aad qaadato. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo sida, "Wax kasta oo aad doorato ayaa noqon doona mid weyn!" oo ogolaado inaad samayso waxyaalo aanad doonayn inaad samayso, oo aanay ahayn inaad samayso.

Tani waxay kaa fogeyn kartaa isku dhaca dadka kale, laakiin waxay abuuri kartaa isku dhac gudahaaga. Cadhada iyo cadaadis nafeed ayey dhisi karaan, sababtoo ah ma helaysid waxaad u baahan tahay, tani waxay keeni kartaa dabeecad xun ama gubasho. Aad bay u fiican tahay in la ogaado waxaad u baahan tahay oo aad dejiso xeelado lagu hubinayo in baahiyahaaga la daboolay.

Haddaba, ka fikir waqtiyada aad xanaaqday, kacsanayd, ama waqtiyada falcelintaada aadan jecleysan. Kuwani waxay u badan tahay inay ahaayeen marar aan baahiyahaaga la daboolin.

Is weydii su'aalahan:

Maxay ahayd baahida laguu diiday?

Maxaad runtii rabtay?

Ka dib, isticmaal xaqiijinta wanaagsan sida kuwa soo socda si aad u qeexdo baahiyahaaga gaarka ah:

· Waxaan xaq u leeyahay inaan codsado ___wax kasta _oo aan ubaahanahay____, sababtoo ah waxaan rabaa in aan ____farxad_ku noolaado___.

· Waa OK in aan waqtigeyga ka ilaaliyo______dayaca__, sababtoo ah waxaan u baahanahay ___waqti dheeri ah oo aan nafteyda ku horumariyo__kuna nasto__.

· Ma ogolaan doono kuwa kale _____in ay go’aan ii gaaraan___, sababtoo ah waxaan u baahanahay ___in aan noqdo qof isku kalsoon_____.

Habkan is-milicsiga iyo xoojinta togan ayaa kaa caawin doona inaad horumariso (Emotional Intelligence) ama “garaad shucuureedka” si aad u fahanto una maamusho baahiyahaaga. Ha yaraysan sharaftaada qof ahaaneed- waxaad mudan tahay qiimaha iyo ixtiraamka aad siiso dadka kale!

Marxaladda 3: Dejinta Xuduud Caafimaad qabta

Hadda oo aad fahantay baahiyaha iyo xuduudaha, si aad u faraxsanaato, waa inaad beddeshaa dabeecadaada - oo dadka kale ogeysiisaa. Iyagu ma ogaan doonaan kaligood!

Furaha xuduud caafimaadqabta waa in aad dadka kula xiriirto (assertiveness) oo ah in aad dareenkaaga iyo baahidaada cabirto adigoon dadkale ku xadgudbeyn . Taas macnaheedu waa In aadan dafiic aheyn- isla markaasna aadan xadgudbin - wixi ku saabsan xuquuqdaada, baahiyahaaga iyo xuduudahaaga, adiga oo tixgelinaya kuwa kale. Marka aad si (Assertiveness) ah u hadasho, waxaa kuu fududaada in aad cabirto aragtidaada si cadaalad ku dhisan iyo dareen.

Qaybta lama huraanka ah waa in lagu celceliyo inaad tiraahdo "maya," si xushmad leh laakiin adag. Dad badan ayaa arrintan ku adagtahay. Dhamaanteen waxaan nahay xayawaan bulsheed, oo waxaan jecelnahay in nala jecelyahay, oo aan waxtar u leenahay dadka kale, Laakiin haddii aad ku tiraahdo "haa" wax walba, waxaad halis u tahay inaadan haysan waqti kugu filan oo aad si sax ah wax ugu qabsato.

Waxa kale oo aad halis u tahay in aadan ka shaqayn waxyaalaha dhabta ah ee muhiimka kuu ah, oo waxaad dareemi doontaa in la isticmaalo waqtigaaga ama lagu wareeriyo. Aad ayey u fiican tahay in la yiraahdo "maya" marar badan, oo aad xoogga saarto daboolida baahiyahaaga.

Maareynta waqtiga waa shay kale oo muhiim u ah dejinta xadka. Marka aad tamartaada oo dhan geliso hal shay, adoon waqti u reeban shaqadaada iyo mas'uuliyadahaaga shakhsiyeed , waxaad halis u tahay in aad culays saarto naftaada. Maareynta waqtiga wanaagsan, waxaad ku heli kartaa wax qabad hufan oo waxtar leh.

Xirfadaha sida kala hormarinta waajibaadka, dad kale oo aad kaalmeysato, iyo jadwal in aad sameysato, ayaa kaa caawin kara in aad u qoondayso wakhtigaaga iyo tamartaada si caqli gal ah.

Marxaladda 4: Ilaalinta iyo Ixtiraamka Xuduudahaaga

Dejinta xuduudaha waxay u badan tahay inay ku siin doonto dareen degdeg ah oo awood ah, laakiin in aad xejisato ayaa noqon kara mid adag, gaar ahaan haddii kuwa kale ay san kugu saacidin.

Waxaad u baahan tahay in aad si cad u cadeyso waxaad aqbaleyso iyo waxaadan aqbaleynin, laakiin noqo mid macquul ah oo la qabsan kara arimaha. Dib u deji xuduudaha si ay xaaladdaada ugu habboonaato, oo dib uga fikir kuwa hadhow u muuqda kuwo adag. Xusuusnow in aadan gooni isu taagin ama aad si fudud u joojin wada shaqaynta .

Marka xuduudahaagu ay khatar ku jiraan, u fiirso dareenka xun ee la xiriira xaaladda oo ka shaqey sidii aad u xakameyn lahayd dareenkaas uguna bedeli laheyd mid fiican, adigoo si deggan dib ugu caddaynaya xuduudahaagii.

Haddii aad u baahan tahay in aad ka hortimaado shaqaale aad isla-shaqeeye kaasoo jebiya xuduudahaaga, waxaad isticmaali kartaa Wadahadalka tooska ah, si aad ugu xalliso dhibaatooyinka intey yar yihiin. Sidookale, mid edeb leh hadana adag, oo had iyo jeer ku dhameeya xaaladaha natiijooyin wanaagsan.

Waxa kale oo laga yaabaa inay ku caawiso inaad xafido qoraal waqtiyadii xuduudahaaga lagu xadgudbay, waxaad samaysay, iyo haddii falalkaagii lagu guulaystay iyo in kale.

Digniin:

Cadaadisku wuxuu sababi karaa dhibaatooyin caafimaad oo daran , xaaladahiisa darana dhimasho. Inkasta oo farsamooyinkan maaraynta xuduudaha lagu muujiyay inay saameyn togan ku leeyihiin dhimista walaaca, laakiin qoraalkaan waahagitaan kaliya, ee akhristayaasha waa inay qaataan talada xirfadlayaasha caafimaadka ee ku habboon haddii ay wax walaac ah ka qabaan cudurrada la xidhiidha walaaca, ama haddii walaacu keeno farxad la'aan weyn ama joogto ah.



Mahadsanidiin.


Waxaa qoray/ www.mindtools.com

Waxaa diyaariyay Dr.Zahra Mohamed

 
 
 

Recent Posts

See All
Allow khaatima wanaagsan

الضمه العظمي " عندما تموت وبعد سكرات الموت الشديدة يأتي لك ملائكة لونهم أبيض ناصع البياض يأخذونك إلى السماء السابعة حتى تدفن.  عندما تدفن...

 
 
 

Comments


Post: Blog2_Post

Subscribe Form

Thanks for submitting!

061 2000282

©2021 by Ayuub books. Proudly created with Wix.com

bottom of page