Sakada iyo xikmadaha ka danbeeya waa jibinteeda
- moalimzahraa
- Nov 7, 2021
- 4 min read
Sekada
Sekada (Sadaqada waajibkaa) waa xaqa masaakiinta, kuna waajiba shuruudahan marki la helo:
1- Qofka muslimka ah,
2- Xurta ah,
3- Milkiilanimadiisa (lahaanshihiisu) uu buuxo,
4- Maalku waa in uu nisaab (qiyaas la is la ogyahay oo sako ka waajibto) gaaray,
5- Sanadna ay ka soo wareegtay.
Maalka sakada laga rabo wuxuu noqonkaraa
1- Dahabka: sakadu waxay ka waajibaysaa marka uu gaaro 85 garaam, warqadda (qalinka) waxay ka waa jibaysaa marka uu gaaro 595 garaam, lacagaha caadiga ah waxay ku waajibaysaa marka qiimahoodu gaarto inta ugu yar ee nisaabka dahabka ama qalinka, waxaana laga bixinaa saka ahaan rubucul cushri (2.5) %. Tusaale ahaan: 100,000$ hadii aad heysato, dahab u bedel, ka sooqaad in garaanka dahabka ah la qiimo yahay 56$, meeqa grm ayey goysaa lacagtaadu? $100000/$56= 1785.7 grm, sida muqata nisaabki waa ka badanyahay (85 grm), sidaa darteed meeqa grm ayaad seko ahaan u dhiibee? 1785.7/100*2.5= 44.429 grm, ama 56*44.429= 2500$. Dahabka laysku qurxiyo saka lagama rabo, laakiin dahabka loogu talagalay in la sii ijaaro, ama keyd ahaan loo dhigto waa laga rabaa sekada.
2- Xoolaha nool sida (geela, lo’da, iyo ariga), si sako ugu waajibto waxaa shardi ah:
1- Sanad ama kabadan waa in ay daaqdaan.
2- Waa in looheystaa dhaqaal iyo in ay kuu bataan, ee aan loo heysan in lagu shaqeeyo, hadii in laga ganacsado loo heysto waxaa looga sekeynayaa sida badeecada oo kale.
3- Sekada Geela: (1-4) neef sako laga ma dhiibo, (5-9) neef waxaa laga dhiibayaa lax ama ri’, (10-14) neef waxaa laga dhiibaa laba laxaad (15-19) neef waxaa laga dhiibayaa sedax laxaad, (20-24) neef waxaa laga dhiibayaa afar laxaad, (25-35) neef waxaa laga dhiibayaa nirig sanad jir ah,(36-45) neef waxaa laga dhiibayaa nirig laba sano jir ah, (46-60) neef waxaa laga dhiibayaa nirig sedax sana jir ah, (61-75) neef waxaa laga rabaa nirig afar sana jir ah.(76-90)neef waxaa laga dhiibayaa laba nirgood oo laba sano jir ah,(91-120)neef waxaa laga dhiibayaa laba nirgood oo sedax sano jir ah; Kadib wixii 120 neef kabadan, waxaa laga dhiibaa 50 kasta nirig sedax jir ah, 40 kastana nirig laba jir ah. Sakada Lo’da: (1-29) neef, sako laga ma rabo, (30-39) neef, waxaa laga dhiibayaa weyl ama dibi sanad jir ah, (40-59) neef, waxaa laga dhiibayaa weyl ama dibi laba sano jir ah, intaas kabacdi, 60 neef iyo kabadan, waxaa laga sakeynayaa 30 kasta dibi hal sano jir ah, 40 kastana weyl laba sano jir ah. Sakada Ariga: (1-39) neef wax sakaa laga ma rabo, (40-120) neef ee ari ah waxaa laga sakeynayaa lax ama ri, (121-200) neef waxaa laga dhiibayaa laba laxaad ama laba riyood, (201-399) neef waxaa laga rabaa sedax lax ama sedax riyood.
3- Badeecada laga ganacsado: si ay sako ugu waa jibto, waxaa shardi ah:
1- in uu milkigiisa tahay,
2- in uu ganacsi u niyooday,
3- in qiimaha badeecadaasu nisaab gaartay, kaas oo ah nisaabka dahabka ee ugu yar (85) garaam, ama nisaabka qalinka ee ugu yar (595) garaam,
4- in sanad uu ka soowareegay; hadii lacag, dahab, ama qalin uu heysto qofka ganacsanaya wuxuu u dumayaa ganacsigiisa si nisaabku u buuxsamo; hadiise alaabta ganacsiga uu u niyoodo in uu isticmaalo sida dhar, guri, ama baabuur, sako lagama rabo, kadib hadii uu ganacsi u niyoodo intaas kadib sanad ayuu u sugayaa.
4- Miraha beeraha: miraha beeraha waxay sako ku waajibee xabadda sida (mesakada, qamadiga) iyo miraha sida timirta cinabka, waxaana u shardi ah: 1- in dhirtu tahay mid la beego, la keydiyo, sida mesegada, qamadiga, cinabka, iyo timirta. Laakiin wixi aan la beegin oo aan keydsamin sida khudaarta sako lagama rabo.2- in uu nisaab gaaro, kaas oo ah 653 kilo gram iyo ka badan, 3- in geedku milkigiisa yahay goorta ay sakadu waajibtay, waana marka miraha caafimadkoodu cadaato, miraha waa in ay gaduutaan ama jaalo noqdaan, xubuutana waa in uu adkaado oo qalalo. waxaana laga rabaa 10%, beerti dhib la’aan la tacbay (biyaha roobka lagu tacbay), 5% waxaa laga bixinaa beerti mashaqa lagu tacbay(biyo ceel laga keenay lagu waraabiyay),
5- Daymaha: qofki hantiila ah ee dayn u sugnaatay, ama leh maal uu helikaro waa in uu ka dhiiba sakada marka uu helo wixii tagay ee sanado ah haba badnaadaane, laakiin hadii uu cudurdaar leyahay sida in uu xoolo beelo, deynta seka ka dhibimaayo maxaa yeelay kuma tasarufi karyo.
6- Sakada fidhriga: waa ku waajib qof kasta oo Muslim ah, hadii uu heysto maal ka badan quudkiisa iyo quudka caruurtiisa habeenka iyo maalinta ciida, waxaa la bixinaa 2 kilo gram iyo ¼ oo raashinka magaalada ah halkii qof ba, waana fiican in salaada ciid ka hor labixiyo, in laga daba marsho salaada ciida ma banaana. (www.tafseer.info, n.d)
Sakada waxaa la siiyaa:
1- Fuqarada
2- Masaakiinta
3- Dadka ka shaqeeya
4- Dadka quluubtooda la soo jiidanaayo
5- Adoomaha xureyntooda
6- Dadka deymoobay
7- Wadada Alle,
8- Socotada (fusaafurka).
Maxay tahay faa’iidada aan ka heleyno sadaqada, Qofka bixiyay naftisa, maalkiisa iyo mujtamaca (bulshadaba)?
Sadaqada tadawuca ah (sunadaa) aan ku dadaalno, maxaa yeelay nafta ayey dahiraysaa oo bukhliga iyo dinbiga ka dhaqeysaa, marka aan dhimano ayey wax noo tareysaa, ceel qod, masjid dhis, agoon wax bar, geed beer, kitaab gad etc, maalka ma nusqaamiso sadaqadu ee wey kobcisaa, qisooyinka cajaaib leh oo sadaqada ku saabsab ayaa jira halkaan kuma soo koobi karno, sidoo kale dadka aan bixinin sadaqada mushkilad ayey ka dhaxlaan oo maalka waa ka qasaaraa, bulshada faa’iidooyin badan ay sadaqadu u leedahay, waxaa kamid ah in ay is jeclaadaan, cudurada qalbiga ku dhaca sida xasadka, maseryka, colaada waa yareysaa, faqriga waa yareysaa, oo dad badan ayay shaqa abuur u sameysaa, agoon ayaa lagu koriyaa ama wax lagu baraa.
Sadaqada iyo faa’iidooyinkeda
· Xoolaha wey kobcisa.
· Ajir badan ayaad heleysaa Alle agtiisa.
· Waa cafimadka sababtiisa.
· Musiibada waa celisaa.
· Mushkiladaha wey xalisaa.
· Farxad waa leedahay.

Comentários