Salaada iyo qiimaheeda
- moalimzahraa
- Aug 8, 2021
- 5 min read
maxaad ka taqaanaa aqristow salaada iyo muhiimadda islamka dhexdiisa ay ku leedahay, Salaadu waa xiriirka ka dhexeeya qofka iyo Rabigiisa, waa rukniga labaad ee islaamka, waana tiir dhaxaad ka islaamka, waa cibaado cajiib ah oo Alle sareeyee uga soo dhiibay samaawaadka ama cirarka ka kor nabigeena muxamad ah naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waa waxa ugu horeeya ee addoonka laga xisaabinaayo maalinta qiyaamaha, hadii ay hagaagto camalka intiisa kale wuu hagaagayaa, xumanta ayey qofka ka reebtaa, waa in aan ku dadaalnaa khushuuceeda, baranaa sida uu nabigu naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee u dukan jiray, una dukanaa, Waxay salaadu siisaa addoonka awood iimaani ah, waxay ku kaalmeysaa musiibooyinka nolosha, waxay daweysaa hamiga, walaaca, wel wel ka.
Salaadu waxay dhistaa mujtamac Muslim ah oo hagaagsan, iyo qof Muslim ah oo nadiif ah, jir ahaan, muuqaal ahaan, iyo nafsad ahaanba; masjidku waa gurigii Allah, waa meel cibaado oo lagu simanyahay madax iyo raciyo (rayidka), miskiin iyo maal qab, waa meel ay muslimku isku bartaan, isku wacdiyaan, isku kaalmeeyaan, kuna shiraan, waa in dadka aan aqoonin la baraa salaada, dadka aan hagaajinin loo toosiyaa, shuruudeeda, arkaanteeda (tiirarkeeda), waajibaadkeeda iyo sunanteedaba, iyo waxa buriya waa in aan baranaa, waxaa faahfaahinaaya waa kutubta fiqhiga ah sida (Abii shujaac) (safiinad salaad) iyo kutub kale, halkan waxaan rabaa in aan si kooban uga hadlo salaada shuruudeheeda,tiirarkeeda,waajibaadkeeda, iyo faaiidadeeda.
Shuruudaha salaada
1- In aad qof Muslim ah tahay.
2- In aad caqli leedahay.
3- In aad waxa kala saari karto (macnaha 7 jir iyo wixii ka koreeya).
4- Daahir aad tahay, hadii aad karto.
5- Waqtiga salaada waa in lagaaray (waqtiga duhurku wuxuu ka bilawdaa marki qoraxdu bartabka circa ka iilato, wuxuuna ku egyahay marka shey kasta hooskiisa ku dhirir noqdo; kadib waxaa bilowda waqtiga casirka, waqtiga khiyaarka loo leeyahay waa in uu shey kasta hooskiisu ku laba jibaarmo, waqtiga daruuro kuugeysayna waa ilaa qoraxdu ka dhecdo, kadib magrib ayaa soo gala ilaa cir guduudku ka tago ayuu jiraa, kadib waqtigii ceshaha ayaa lagaaraa waqtiga khiyaarka laguu siiyay waa ilaa habeen barka, waqtiga daruuro kuu geysayna waa ilaa waagu ka dilaaco, kadib waa waqtiga salaada subax wuxuu jiraa ilaa qoraxdu ka soo baxdo.
6- Cowrada in aad asturto.
7- In aad nijaasta ka fogeyso jirka, dharka, iyo meesha aad ku dukatid hadii aad awoodo.
8- Kacbada (guriga Alle ee xurmada leh) in aad u jeesato, hadaad awoodo.
9- Niyad in aad la timaado.
Tiirarka Salaada
1- Istaagid, hadii la awoodo salaada faradka ah
2- In la yirrado marka ugu horeysa ee salaada la gelaayo,
Allaahu Akbar (alle ayaa weyn).
3- Suurada faataxada in la aqriyo rakca kasta.
4- In la rucuuco oo jilbaha la qabsado rakco kasta.
5- In laga kor noqdo rukuucaas.
6- In la istaago rukuuca kadib, oo xubin kasta la sugo inta ay booskeedi ku soo laa baneyso.
7- In xubno todoba ah laga sujuudo (wajiga (foolkaiyo sanka), jilbaha, labada calaacal, iyo labada lugood farahooda).
8- In la fadhiisto labada sujuud dhexdooda.
9- Tashahudka danbe (ataxiyaadka danbe).
10- In loo fadhiisto tashahudkaas (ataxyaadkaas danbe).
11- in nabiga lagu saliyo tashahudka danbe dhexdiisa
12- Salaama naqsiga koobaad.
13- In lagu nagaado (oo aan la degdegin) tiirarka salaada ee falka ah.
14- In sidaas la isugu xijiyo tiirarka.
Tiirarkaas la soo sheegay la’aantood salaadu saxiix ma ahan, waa na ay bureysaa salaadu hadii laga tago mid kamid ah tiirarkaas, si kas ah, huilmaan ah ama jaahilnimo ah. (www.tafseer.info, n.d)
Waajibaadka salaada
1- Takbiiraadka oo dhan, hadii laga reebo tan salaada lagu xirto.
2- قول: سمع الله لمن حمده للإمام والمنفرد.dhihida: Samica Allahu liman xamidah
3- Dhihida: rabana walaka alxamdu, marka rukuuca laga kor noqaanaayo.
4- Dhihida: subxaana rabii al cadiim rukuuca dhexdiisa halmar.
5- Dhihida: subxaana rabii al’aclaa, sujuuda dhexdeeda halmar.
6- Dhihida: rabi igfirlii, inta u dhexeeysa labada sujuud.
7- Atixiyaadka kowaad.
8- In loo fadhiisto ataxyaad ka koowad.
Waajibaadkaas la soo sheegay ee salaada, hadii qofku uga tago si kas ah salaadiisu waa ay bureysaa, hadiise uu hilmaan uga tago sujuud sahwi ayuu la imaanayaa, si uu ugu kabo hilmaanka.
Waa Shan salaadood oo farad (waajib ah) oo u dhigma ajirka khonton salaadood
1- Salaada Subaxa waa (2 rakco),
2- Duhurka waa (4 rakco),
3- Casarka waa (4 rakco),
4- Magribka waa (3 rakco),
5- Ceshaha waa (4 rakco).
Sunada raatibada ah waa 12 rakco (salaadaha bacdi la dukado)
1- Salaada subaxa waxaa ka horeeya 2 rakco oo suna ah, oo ka kheyr badan adduunka iyo waxa dhexyaala.
2- Sunda duhurku waa 4 rakco oo ka horeysa iyo 2 rakco oo ka danbeysa.
3- Sunada magribku waa 2 rakco oo ka danbeysa.
4- Iyo 2 rakco oo suna ah oo kadanbeysa salaada ceshaha, hadii in aad soo kacayso habeenki aadan hubin, 1 rakco oo witir ah duko sunaha cesha ka bacdi.
Dhalinyarooy, aan ku dadaalno salaada hagaajinteeda maxaa yeelay waa raa’sul maalka aan heysano, hadii ay hagaagto addoonka salaadiisu camalkiisa inta kale wuu hagaagayaa sida nabigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa allaha yee inoo sheegay, hadii salaadiisa uudayacana camalka intiisa kale wuu xumaadaa, waqtigeeda in aan ku dukano, qalbi soo jeedana ku dukano, barano cilmiga laxiriira salaada, waa arin lagama maarmaan ah; 12 rakco ee sunaha ah qofkii ilaaliya waxaa loo ga dhisaa maalin kasta janada dhexdeeda guri.
قال تعالى: {وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلَواةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَـاشِعِينَ}[البقرة:45].
Oo micnaheedu yahay “kaalmeysta sabirka iyo salaada, salaaduna wey ku culustahay cid khushuuc leh mooyee” Suurada Al baqara ayada: 45
وكان-صلى الله عليه وسلم- إذا حزبه أمر فزع إلى الصلاة. أخرجه البخاري
Oo micnaheedu yahay “rasuulkeena nabadgelyo iyo naxariis Alle ha siiye, wuxuu ahaa hadii arin murjiso salaada xageeda mid u carara” imaamu bukhaari ayaa weriyey, Salaadu micnaheedu waa addoonki oo Allihi abuuray, arsaaqay, caafiyay, ee hanuuniyay ku mahdinaaya, xumaantana ka hufaaya, waa xamdin iyo tasbiix iyo Alle bari dhamaanteed, waa xuska Alle waxay reebtaa xumaha hadii si fiican loo ilaaliyo, waana waxa ugu horeeya ee addoonka maalinta qiyaamo laga xisaabinaayo hadii ay hagaagto addoonkaas waa badbaaday, sida nabigu noo sheegay naxariisiyo nabadgelyo Alle ha siiyee. Qofka mu’minka ah ee dhowrsoon waa mid ka dad oo dhan ugu nolol fiican, oo ugu laab degan, oo ugu qalbi faraxsan, taas oo ah janno adduun intaan lagaarin janadii Aaakhiro, maxaa ka weyn nimco, Salaadu waa sababaha ugu weyn ee nolol fiican lagu helo, laabta ayey sharaxdaa, cariiriga qalbiga ayey tagsiisaa, waxay qalbiga udirtaa muujado xinbaarsan fariimo degenaansho iyo raaxo leh, ka suulimaayo addoonku in uu yahay xabsi iyo ciriiri ilaa uu salaada dhexgalo oo uu ku raaxeysto.
Faa’iidada aan ka heleyno Salaada, Jir ahaan iyo ruux ba
1- Salaada ruuxda ayaa quudata oo qofka sida jirku ugu baahanyahay cunto ayey ruuxduna ugu baahantahay xuska Alle, salaaduna waa xuska ugu muhiimsan iyo xiriirka ka dhexeeya qofka iyo rabigiis, Salaadu sidoo kale waa jimicsi midka ugu fiican oo jirka ayey dhistaa, qofki shanta salaadood masjidka aada ugu yaraan haday soco 5 daqiiqo, soo laabashadan 5 kale waa 10 daqiiqo halkii salaad (5*10) =50 daqiiqo oo socod ah! Sidaa darted, uma baahnid jimicsi kale.
2- Qaababka qofka dukanaya uu ku siganyahay sida istaaga rukuuca sujuuda waxay culumadu tiri waxay ku saacidee qofka dhiigu in uu sida ugu fiican ugu wareego unugyada oo dhan.
3- Weysada iyo faa’iidooyinkeeda caafimaad waa mid si baraatika ah loo wada arkay, khaasatan biryahaan oo dunida uu soo weeraray cudur ba’an dunida ku haya oo ka dhasha nadaafad darada, rasuulku naxariis iyo nabad korkiisa alle ha yeelee wuxuu yiri: (kawarama hadii midkiin gurigiisa hortiisa uu wibi marayo, kaas oo maalintii 5 jeer ku qabeysanaayo, jirkiisa wax wasakh ah ma ku hareysaa? Saxaabadii waxay dheheen maya, rasuulku wuxuu yiri waxaa la mid ah shanta salaadood oo qofka dinbigiisa ayaa lagu dhaqaa.
4- Salaadu nidaamka ayey bartaa qofkeeda iyo in uu waqtigiisa ka faa’ iideysto.
5- Waa daawada wewelka iyo murugada, waxay cusleys ka dhigtaa miisaanka qiyaamaha.

Comments