Sheeko xiisa badan
- moalimzahraa
- Mar 13, 2022
- 3 min read
Sabarka bilowgiisa waa qaraar dhamaadkiisuna waa ka macaanyahay malabka. Asxaabeey waxaa jiray nin indhool ah wuxuu ilaah ku manrystay xaas kaalmeysa, horay ilmo kameyhelin Habeen ayaa waxay kuwada riyoodeen ayaga oo ay la joogto gabar ubax taaj ah madaxa u saaranyahay. Xaaskii baa tiri waxaan arkay gabar qurxan, ninkii baa ugu jawaabay oo ubax taaj ah ..... Wey yaabtay xaaskii waxayna tiri oo indhooluhu riyada dhexdeeda wax miyuu arkaa? Haa buu yiri ninkii. Way bishaareysteen, xaaskiina uur bey heshay waxayna dhashay gabar quruxbadan waxay u bixiyeen axlaam, aabihii markey gabadhii udhalatay alle ayuu ku mahdiyay wuuna farxay dibada gurugiisa intuu u baxay ayuu yiri Allaa mahad leh maanta gabar qurxan ayaa ii dhalatay!. Xaaskiisi ayaa ku tiri waxaan u maleynayaa in aadan aad u farxin oo gabar ayaan dhalay, wuxuu ugu jawaabay, gabar baariya ayaa ka fiican wiil xun. Xaaskii waxay ku xanuunsatay umushii waxayna ku tiri waxaan umaleynayaa in aan dhimanayo ee gabadha yar axlaam daryeel, wuxuu yiri lamaanaheedii (saas ha dhihin qof kasta oo jirata ma dhimatee,waxaan kuu doonayaa daawo) intuu ushiisii qaatay ayuu dhaqaaqay, intaas oo jeer ayuu kufay, nasiib daro xaaskii way dhimatay markuu yimid, wuu taabtay dhaqaaq ma leh, neefteeda ayuu raadiyay neef ma leh, markaasuu gartay oo murugooday, waxay aheyd qof fiican ayuu yiri, wey ikaalmey jirtay, wey iwehlin jirtay, miskiintaan yar yaa nuujinaa? ayuu ku calaacalay. Diriskii ayaa u soo gurmaday oo la aasay, waxay dheheen (saabir ha ka xishoon in aad kaalmo wixi aadrabto naga soo doonato, ilmaha waan kuu nuujineynaa!). Saabir wuxuu maalinkasta ugeyn jeray gebedhiisa yar ee axlaam diriska, si ay ugu nuujiyaan, waxay ahaayeen diris naxariis leh, gebedhii wey yara kortay, waxay ku hogaamin jirtay aabaheed wadada, wuxuu yiri aabihii Alxamdulilah, hadii gabadheyda i hageyso maanta, waxay caawinaad iyo raashin ka soo qaadan jireen diriska, gabadhu waxay aheyd baari, oo aabaheed ayadaa raashinka afka ugalin jirtay, maalin ayey ku tiri aabaheed, aabe iska joog adigu guriga anaa raashinka noo doonayee, wuu farxay aabihii wuxuna yiri: aabe wali waadyartahay, waxay ku tiri: aabe waxaan kaaga baqayaa qabowga dhacaaya in uu wax ku yeelo ee joog.
wuu ka aqbalay aabihii arintaas, wuxuuna ku yiri: aabe taxadir, oo soo dhaqso, maalin ayeey ka naxday eey, oo dhulka ayey ku dhacday, wey weynaatay oo shaqaalo u noqotay guri dirkooda ah, waxay baratay howlo badan, sida loo sameeyo dunta dharka, raashinka loo kariyo, saxamada loo dhaqo, raashin badan oo kala midab ah ayey maalinkasta aabeheed u keeni jirtay, oo afka ugalin jirtay, aabuhuna jaceylka uu gabadhiisa uqabo darteed, masugi karin inta ay katimaado, ee daarada ayuu ushiisa la wareegeystaa.
maalin ayey axlaam ku tiri aabaheed: aabe waxaa maanta jira arin iyo xaflad oo diriska ayaan ku soo daahayaa ee lasoco, haye ee soo dhaqso ayuu ku yiri aabiheed.
waxay la kaalmeysaba, waxaa lagaaray xiligii qadada, waxay ku dhaheen axlaam iska jooji shaqada, hadii hooyadaa noolaan aheyd kuuma ogolaateen sidaan, ee kaalay aan qadeynee, waxay ku jawaabtay maya, aabe ayaa idaahsanaya, oo idinla ma qadeyn karo, ee waan qaadanayaa qadada.
waxay dhah ku aragtay xayawaan dhaawac ah, oo dhiig ka shubmaayo, way u naxariisatay, oo maradeeda gobal intay ka soo goysay, lugta uga duubtay, laakin aabe saabir ayaa ka walwalay gabadhiisi iyo sida ay usoo daahday, markaasuu aqalkii dibada uga soo baxay, asaga oo leh: axlaam axlaam, aaway gabadheydii.....
waxaa meesha ka dhawaa dur dur biyo mareen ah, nasiibdaro wuu ku dhacay aabihii oo biyihii ayaa tuulo kale ka tuuray, nasiibwanaag muu dhiman ee dad ayaa ka qabtay, oo daryeel u fidiyay.

Comments